Wednesday 27 May 2020

MAANSADII GUJO MARAN



Sida aad la socoteen doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya 2016 , waxaa ay aheyd mid musuqmaasuq miiran ah, oo ku suntan midii ugu xumeyd ee dalka soo martay. 

Kuraasta xildhibaanada ayaa qaar si cad loo boobay, waxaana kuraas la’aan noqday dad aan laga soo bilaabo 1954 xildhibaan waayin, maadaama ay dad ahaan iyo deegaan ahaan xaq u lahaayeen. 

Markiise hoggaamiye liita, asee aan aqoon taariikhda dadka iyo dalka xukun uu qabto waxaa dhacda inuu sameeyo taariikh gurracan, oo ku noqota bar madow noloshiisa, sidoo kalana galaafata hamigiisa siyaasadeed ee danbe. 

Aniga Abdiweli Garyare ah ayaa u taagnaa mid ka mid ah kuraastaasi la musuqmaasuqay, waxaana ka timiyey maanso gaaban, asee markii danbe noqotay silsilad dheer oo ay suugaanyahano kale oo isugu jira rag iyo dumar ay ka qeybgaleen, sidoo kalana gaartay in ilaa BBCSOMALI laga soo daayo silsiladaas . Taasi oo ku socotay Abdikariim Guuleed iyo Raacyihiisa aragtida aan laheyn ee Maxamed Xaashi Carabeey

Gabanadaan dhallaanimo
Garabsiga laheynbaa
Gooh igu bilaaboo
Galaw iiga boodoo
Gudin ii afeystoo
Gama iiba diidoo
Godkan igu ilaawee

Aaway garashadii
Gacalnimo maxaa helay
Gar cadaagi reeraha
Miyuu gabay xal helidii

Todobaatan galabood
Miyaa gabalku ii dhacay
Anigoo gabraariya
Gurigaad i geyseen
Gobonimo ma saasbaa? 

Maxamedow ku garansani  
Abdikariim gilgilashiyo
Giiro isu qarintiyo
Ka gundheer xaajada

Taariikh gu’weynbaa 
Garaadow ka heystaa 
Libaax nin galaday’iyo 
Kala garay ninkii ganay 

Waxaa uga gol-leeyahay 
Guuxa hoos u baxyiyo 
Gurbaankaan xigtada galay 
Gaaleef afbeeshiyo 
Gujo maran ku suntaday 


Curiye: Abdiweli Ibrahim Garyare
10-12-2016
Cadaado. Galmudug, Somalia 

MINAAN LA XOORIN WAA XAKAAR




Caawa ayey igu soo dhacday sameynta suugaanta hoose, aniga oo wali gaarin Muqdisho, oo Nairobi jooga. Markaasi ayaan is iri la wadaag saaxiibada facebook. Maxamed Dhaaley iyo Cabdiraxiim H. Galayr oo aan hubo inay macalimiin ku yihiin hal-abuurka ayaana leeyahay intaasi hordhaca safarka u qaata. Abdirisak Bulgaaz isagana waa macalin baryahan wacdaro dhigay.  Saaxiibkeey Sayidali Abdulle isagana hala gaarsiiyo, maxaa yeelay farriintuu fahmaa. Waxaana ay guud ahaan ka hadleysaa in isbadel uu dalka u baahan yahay, madaxda joogtana aan lagu haleyn karin.

Intaan walxatoo Xa ku taal
Minaan la xoorin waa xakaar

Xasuuqa shacabkee joogsaneyn
Minaan la xoorin waa xakaar

Xabaalka badi xisaab la'aan
Minaan la xoorin waa xakaar

Xaqana diid, dulmina doon
Minaan la xoorin waa xakaar

Xuurta qabiil la soo indhacadow
Minaan la xoorin waa xakaar

Xalaal ka roor, xaaraana doon
Minaan la xoorin waa xakaar

Xeyndaab jufeed madal ka doon
Minaan la xoorin waa xakaar

Xigaalka xoor, cadow xanbaar
Minaan la xoorin waa xakaar

Xuseen ka fiig, axmaarna raac
Minaan la xoorin waa xakaar

Beeso ku doon xilkii dalkeen 
Minaan la xoorin waa xakaar

Xaquuq la'aan dhasheen ka yeel 
Minaan la xoorin waa xakaar 

Xafuunyo kala riix Xamar-ta weyn
Minaan la xoorin waa xakaar

Xulufo aan wadani aheyn
Minaan la xoorin waa xakaar

Tiradan xagal daaca 'ahee wadnaa (4.5)
Minaan la xoorin waa xakaar

Xaalufkaa badeenii ku dhacay
Minaan la xoorin waa xakaar

Xubin xubin u goo' dalkan midkaa
Minaan la xoorin waa xakaar

Odey la xiiqsan burburkeen 
Minaan la xoorin waa xakaar

Xeerbeegti aan xaqsoor aheyn
Minaan la xoorin waa xakaar

Aqoonyahan aan xishood laheyn
Minaan la xoorin waa xakaar

Xukuumad aan dugsi laheyn 
Minaan la xoorin waa xakaar

Diinta xumeeye, dastuur ku baaqe
Minaan la xoorin waa xakaar

Xabad ku faan, qallina diid
Minaan la xoorin waa xakaar

Sucudiyaa giriifay xiriirka loo jaraa
Minaan la xoorin waa xakaar

Curiye: Abdiweli Ibrahim Garyare
09-08-2016
Nairobi, Kenya

FIIRO GAAR AH: Sida aan u qoray ayaan mas'uul ka ahay, ee sida aad u fasirato shaqo kuma lihi.

Tuesday 26 May 2020

MAANSADII : XAMAREEY WAR IGA HOO



Waa maanso aan caawa sameeyey, aniga oo caasimada Soomaaliya kusoo hal-qabsanaya, oo farriin ugu faraya xildhibaamada dooran doona hoggaan ka dalka ee leh  Madaxweyne iyo guddoomiye labadaba. Ujeedkana waa inay u dhimriyaan dalkan iyo shacabkan daalan, oo aysan usoo dooran mid uga sii dara. Waaba haddii dhego dal jaceyl u daloolaane!. BAL ADBA!!. 

  1. Xuduntii midnimadaay
  2. Xagal-daaca diidaay
  3. Xaruntii israaciyo
  4. Xeerkeena dhowrtaay
  5. Xanaaneyso wacan'iyo
  6. Madashii  xaq-soorkaay
  7. Xamareey war iga hoo.
  8. Xildhibaano xulaniyo
  9. Kuwa xaalkooda ba'an yahay
  10. Baa xeradaada joogoo
  11. Doorasho u xeydane
  12. Bal xogeyda gaarsii
  13. Siyaasiga xuurteysanee
  14. Xeerarkii aduunyada'iyo
  15. Xaalkii dalkeenaba 
  16. Xisaab aan ku heynbaa
  17. Xil idin ka raba'ee 
  18. Inta aad xujeysaan
  19. Xaglihiis is dhaafiya
  20. Dowladeena xooriyo
  21. Hantideena xaabsade
  22. Xabadaa dhaceysiyo
  23. Xabaalaha la qodayaa
  24. Xikmad kuma badalahana
  25. Xulafadiisa diidoo
  26. Xargaha u wada jara
  27. Xurnimo ma jirtoo
  28. Xanbaa socotee
  29. Xaqiiq u hadloo
  30. Xulkii doorashada 
  31. Xaalkeed ma helnee
  32. Xisbiyada ordayow
  33. Xisaabta furfura
  34. Maankana xanibkiyo
  35. Ka daaya xiqdiga
  36. Xamar oo tacsidu taal
  37. Xeyn-daab ku dheelkiyo
  38. Xafladahaa maqlaayaa 
  39. Xeer waan u waayee
  40. Xildhibaan bal faalee
  41. Xeer-beegtiyey maqal.
  42. Walaalkaa xujeysani
  43. Xaqa ina u sheegtaa
  44. Waa xadiis saxiixoo
  45. Xasuus aan ku heystee
  46. Xajisoo bal iga hoo
  47. Xumaha shacabkiyo
  48. Dhiig lagu xashaashiyo
  49. Dulmi la xigsadaa ' iyo
  50. Xaalufinta dalkaagiyo
  51. Xasilooni diidmada 
  52. Xil laguma helayee
  53. Xeelad kale la kaalaya

Curiye : Abdiweli Ibrahim Garyare ,
Muqdisho, Soomaaliya
04-01-2017

MAANSADII: “ RAJADA YAAN LAGAA DILIN “


Xalay oo ay taariikhdu tahay 26-05-2020 ayaa waxaa hal-abuuray maansada “ RAJADA YAAN LAGAA DILIN “ taasi oo ku timid in taliska maanta Villada jooga ay kasoo yeereyso xukun kororsi, iyaddoo awal qaati laga joogay kelitalisnimadiisa lagu soo xakaaray 3 sano oo uu ummadda hor fadhiyey. 

Sidaasi darteed, ayaa maansadan oo aan kusoo hal-qabsaday saaxiibkeey Mohamed Dhaalaay uga digayaa inaysan raali ka noqon rajada keliya oo ay heysteen, taasi oo ah “ IS DOORASHADA 4 SANO MAR” taasi oo astaan u ah inay iska ilaaliyaan xukun dheereysi laga dhaxlo “ Xukunka oo kusoo noqon gacantooda, sidii horey u dhacday oo kale”. 


  1. Dadweynow digniin guud 
  2. Dowladii aan dhisaniyo 
  3. Madaxdii la doortiyo 
  4. Doonisteena nabadeed 
  5. Dood baa ka timidoo 
  6. Weydiin baa dibada taal 
  7. Imisey duruuf adeg 
  8. Daris aad la noqoteen ?
  9. Imisaa damiir xumo 
  10. Dalka aad ku dumiseen?
  11. Imisaa  dalaaliin
  12. Dowladnimada diidoo 
  13. Durbaan aan u sidateen ?
  14. Imisaa dastuurkiyo
  15. Diinteena durayoo 
  16. Derin aad u fidiseen?
  17. Imisaa duqowdiyo 
  18. Caruurteena dooxdoo 
  19. Darajo aad ku sharafteen ? 
  20. Imisaa fariid diran 
  21. Doqon dhaafisee noo 
  22. Dib aad uga shaleyseen ?
  23. Dadkeygow aduunyada 
  24. Duul waliba wuxuu falo 
  25. Dhigan weeye daalacan 
  26. Dulucdiyo ujeedada 
  27. Dhaleeyow bal deymoo 
  28. Bal daliili maansada 
  29. Su’aalaha daleyda ah
  30. Dib u celi xasuusaha 
  31. Bal gorfee dagaaladii 
  32. Daqaradii na gaariyo 
  33. Dalanbaabi wixii dhacay 
  34. Sow damaca waalida 
  35. Iyo xukun ku diinkii
  36. Dalow nagama ridinoo 
  37. Daleelkaa namuu dhigin? 
  38. Dib u socodka liitiyo 
  39. Dorashada midkan rabin 
  40. Inaa deedefeysaan 
  41. Bal maxaa ku diideen? 
  42. Ninka doraad la doortee 
  43. Laga waayey dariiqii 
  44. Duubka loogu xiray shalay 
  45. Bal muxuu daliil’ iyo
  46. Dood nooga dhigayaa? 
  47. Waa su’aal da’weynoo 
  48. Dockastaba ka eegaye 
  49. Duqa Villada joogana
  50. Diiwaankiisa baaroo 
  51. Damiiciisu muxuu yahay? 
  52. Da’yarteena Soomaal 
  53. Waa duul xaqoodii 
  54. Laga daahay waa hore 
  55. Qabatimay dacdaradoo 
  56. Hadimadeey dan moodeen 
  57. Waxase iga dardaaran 
  58. Dowladnimaa na deeqdee 
  59. Dadkeygow digtonow 
  60. Dibnihiina fura’oo 
  61. Rajada yaan laga dilin 


Curiye: Abdiweli Garyare 
Muqdisho- Somalia,

26-05-2020

MAANSADA HADMAYNU XOR NOQON

MAANSADA HADMAYNU XOR NOQON: Waxaa caawa aan Hal-abuuray maansadaasi, oo igu dhalisay in aan dadkeyga murti ahaan ula wadaago. Ujeedkana waa wax iska weydiinta waxa inaga haleysan goorta aan haggaajisan doono, si aan dhibka uga baxno. Waana su'aalo miiran iyo maan la hadal muhiim ah. 


  1. Hadmaynu dadyow xor noqon 
  2. Dellega iska beerta oo
  3. Dagaalada aan jecleyn?
  4. Hadmuu damaceeno noqon
  5. Dowladnimo tamaan ahiyo 
  6. Deris iyo walaalnimo?
  7. Hadmaa dib u socodkiyo 
  8. Dayowga laga bixiyo 
  9. Dunida aan hiigsanaa?
  10. Hadmaa dilka ehelkiyo 
  11. Duqeyntoo laga gudbiyo 
  12. Dawada aan wada helnaa?
  13. Hadmaynu ku dalxiisinoo 
  14. Dalkeena hamsami u baran 
  15. Allaa deeq uga helnee 
  16. Hadmaa kala diristiyo 
  17. Khiyaanada deriskiyo 
  18. Dacartiyo cadaawaha
  19. Diidnay bulshada oran?
  20. Dalkeenoo dib u dhisniyo 
  21. Hadmeynu danteena garan
  22. Diiftaba ha inaga hadhee?
  23. Niyadda yaa doojinoo 
  24. Nabada deyrkeeda noqon 
  25. Waryaa dildilaaciyo 
  26. Dalowga inaga qabtoo 
  27. Ducada aan ku hoobinaa?
  28. Liitaha goortuu damshido 
  29. Halkaan iska damin laheyn 
  30. Nin doorkeenaa ku dhaca 
  31. Haddana uma diir naxnoo
  32. Sheedaa kaba daawanaa!!
  33. Hadmaynu diidnay oran 
  34. Shacabkoo duloobiyo
  35. Ciidankoo duruuf iyo 
  36. Diiftu ay la jaal tahay 
  37. Dal-jirihii la doortayna 
  38. Hantideena daabulan?
  39. Hadmaan diiwaanka gelin 
  40. Ummaddii dulqaadkiyo 
  41. Dareenkoodu wacnayoo 
  42. Dib u hanta kalsoonida?
  43. Daa'imow allahayow 
  44. Duulkaan dayeysani 
  45. Dowgii lagu hagaagiyo 
  46. Dowladoo na deeqdiyo 
  47. Danahooda fahansii 

Curiye; Abdiweli Ibrahim Garyare 
Muqdisho, Somalia 
18-02-2017

Monday 11 July 2016

FAALLO: Guddiyo doorasho oo ballan shaqo ku socon, Maxaa laga filan karaa? Abdiweli Garyare.



W/Q, Abdiweli Ibrahim Garyare 

        Agaasimaha iyo Milkiilaha Radio VOSHilversum, Netherlands,

Malaha markii aad aragtay ciwaanka qoraalkeyga, waxaa kugu soo dhacay isweydiimo badan. Waa sax isweydiimahaasi inay kugu soo dhaceen, waliba ay yihiin kuwa xaqiiqo kawaran ah, laakiin isku dhinac in aan ka joogno arrinta aan ka hadlayo iyo in aan kala dhinac ka joogno, waxay ku xiran tahay sida aad hadba u fakarto akhriste.

Ma ihi ruux kuu sheegaya wax aadan ogeyn, waxaanse ahay ruux ku xasuusinaya akhrite arrin madaxdaadu kugula ballantay oo aysan kasoo bixin. Adigan akhrinaya qoraalkeygana aadan madaxdaada kula xisaabtamin ballamaha muhiimka u ah doorashad oo ay ka baxeen!!.

Madaxda hoggaamisa madasha loo bixiyey “Wadatashiga” ayaa kulamo joogta ah waxay ku yeelanayeen magaalooyin kala duwan oo dalka ah, waxaase ugu muhiimsanaa midkii ka dhacay Baydhabo oo laga soo saaray “Jadwalka doorashada”, ii xasuusnow erayga ah “Jadwalka doorashada”. Maxaa yeelay waa halka aan rabo in aan wax badan kaa tuso.

Shirkaasi inta uu socday waxaa lagu kala diray guddigii doorasho ee muranka badan dhaliyey, maadaama ay ka buuxeen wasiiro dowlada dhexe ah iyo kuwa maamul goboleedyadda, waxaase dib laga soo magacaabay guddi doorasho oo ay ka muuqdaan lataliyayaashii iyo gacan-yarayaashii madaxda ku bahowday (Madasha wadatashiga Qaran). Taasi oo mar kale abuurtay walwal iyo cabsi laga qabo sida ay cadaalad u noqon karto doorasho ay maamulayaan guddiyo qaabkaasi ku dhisan, mana muuqato dariiq wax looga baddelayo.


Waxaa taasi barbar socda ifafaale muujinaya in doorashada aysan ku qabsoomi doonin xilliga loo qabtay, waana tuhun in badan shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku jiray, balse ay madaxda xilka dowladeed heysa ka af-gobaadsanayeen, haddase ay u muuqato si farsamo ahaan ah inay u dhaceyso arrintaasi.


MAXAY TAHAY SABABTA?
Jadwalka laga soo saaray Baydhabo ilaa hadda wax looga dhaqaaqay ma jiraan, marka laga reebo guddiga laga soo magacaabay xarumaha dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kalana guddiyadaasi ma jiraan wax kulan ah oo ay ilaa hadda yeesheen, iskaba dhaaf inay doortaan guddoomiyayaashii kala hoggaamin lahaa si ay shaqada u bilaabatee.

Baaris aan sameeyey waxaan ku ogaaday in badi xubnaha ku jira guddiyadaasi inaysan dalkaba joogin, magacaabistoodana ay internetka un ku arkeen. Halkii laga doonayey saacadan aan qoraalkan qorayo inay shaqadii loogu cadeeyey jadwalkii Baydhabo ay ku jiraan!!. BAL ADBA!!.

Aniga oo ka duulaya habdhaqanka noocaasi oo kale ah, ayaa waxaa dhawaan sameeyey maanso la yiraahdo “Dalan-baabi”.Waxaana qeyb ka mid ah ay leedahay:

Waxaa dalan-baabi jira
Waxaa dow-xumo naqaan
Kuwaa dib jirkee na helay
Mise diihaal u qaba
Sideey noo dabar jaraan
Kuwiinaa la duubanoow
Dowladnima ka dhowrayoow
Dowgaas lagu doogi waaye
Dooraad meeshaad marteen
Ayaa dib u taagantiin.

MAXAA LAGU BALAMAY OO QABSOOMIN?

  1. Waxaa lagu balamay in 24-06-2016, la soo magacaabo guddigii khilaafaadka iyo xallinta wixii muran ah ee yimaada. Mana jirto ilaa hadda cid loo magacaabay guddigaasi. Waana ballan aan fulin midda ugu horeysa!!
  2. 26-29- bisha Juun ee la soo dhaafay waxaa ballantu aheyd in tababar loo furo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, mana dhicin taasi, maxaa yeelay maba wada joogaan dalka, sidoo kalana nidaamkii tababar loogu furi lahaa ma muuqdo.
  3. 30-Juun-2016, waxaa qorshuhu ahaa inay guddiyada doorashada bilaabaan wacyigelinta dadweynaha Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar noqdaan ka qeybgalka doorashada dad-ban, taasina ma dhicin, maxaa yeelay guddiyada laftooda ayaanba tababar iyo wacyigelin ku aadan waxa ay qabanayaan u qabsoomin.
  4. Sida ku cad jadwalkii Baydhabo, waxaa qorshuhu ahaa in 08-07-2016, guddiga doorashada isugu yeeraan odayaasha dhaqanka, kadibna ay ka dalbadaan inay soo magacaabaan eryooyinkii soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale isla maalintan waxaa la iska rabay in la soo gudbiyo xubnaha AQALKA SARE. Taasina ma dhicin, maxaa yeelay guddiga doorashada maba uu diyaarsana qabashada howlahaasi horey loogu jideeyey. Waana dib u dhac kale.
  5. Maalintii ku xigtay oo aheyd 09-07-2016, waxaa la doonayey in la diiwaangeliyo musharixiinta Aqalka Sare, taasina warkeed ma yaal, oo madaxdii magacaabi laheyd maba joogaan dalka, oo qaar ayaa Nairobi maanta iska fadhiya.
  6. Waxaa shalay oo aheyd (10-07-2016) la iska rabay inay odayaasha dhaqanka soo gudbiyaan dhammaan ergooyinkii dooran laheyd xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo dhan 13,750 ergo, mana dhicin taasi. Waxaa taasi barbar socday oo la iska rabay inay guddiyada doorashada maalintan oo kale diyaariyaan hanaankii codbinta lagu geli lahaa, sida warqadii codeynta iyo diiwaangelinta xubnaha mushariixinta, iyaddo lagu sii lamaaniyey qodob sheegaya in la xoojiyo wacyigelinta shacabka. Qodobkaasna ma fulin isagana.
  7. 14-15 oo ah bishan aan ku jirno ee todobaad waxaa jadwalkaasi qeexayaa in la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta u taagan Aqalka Sare, taasi oo ay inaga xigto laba cisho, miyey dhici kartaa? Jawaabta waa maya, maxaa yeelay wixii ka horeeyey ayaanba soo qabsoomin.

Intaasi waxaa idin kusoo qaaday waa xasuusin wixii lagu ballamay iyo inaad fahantaan ujeedka qoraalkeyga aan uga hadlayo in “Ballan ku bilaabatay fashil inaysan guul ku danbeyn karin, waa haddii aan wax laga baddelin dariiqa lagu socdee”.



Mar kale, maansada Dalan-baabi ee aan ka curiyey habdhaqanka madaxda maanta Soomaaliye iyo dariiqa inay wax ku raadinayaan, ayaa waxaa ka mid ah:

Hoggaankaan daalinkiyo
Dalaaliinta u dhiibanaaa
Dalowga inaga ridee
Dadweynow maantadaan
Miyaan dabinkiyo warmaha
Dalkeena ka dhowranaa?
Anigaa doojinoo aqaan
Anigaa daahiroo waxtara
Anigaa dib usoo unkami
Dilaacyada muuqdiyo
Kuwaan deymadu arkeyn
Haddii ay daldalahayaan
Duulow ha ka yeelinina
Dibnaha ay ka oranayaan'iyo
Maankoodaa kala duwane
Khiyaanada deriskiyo
Shisheeyaha dacarta wada
Ninka ay ka dadan yihiinee
Dagaalada sokeeyaha
Iyo dirirta maantadada
Daalacan inoo yiri
Maandeeq in loo diro
Daawana la naawilo
Maankeygu diid taas

CULEYSKA UGU WEYN XAGGEE KA JIRAA?
Waxaa uu ka jiraa madaxda madasha Qaran oo ka caga-jiidaya sidii doorashada ugu qabsoomi laheyd waqtiga loogu talagalay, maxaa yeelay in ka badan lix bilood ayey isugu soo noqnoqdaan oo u kulmaan doorasho aan tilaabo loo qaadeyn. Waxaana midkasta uu leeyahay dano siyaasadeed oo uu ka dhex raadinayo hannaanka doorashada 2016.

Gobollada qaar waxaa ka bilowday caburin saxaafadeed iyo cadaadis in la saaro siyaasiyiinta loo arko inay ka fikir duwan yihiin madaxda ku jirta madasha qaranka, waxaana tusaale inoogu filan Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku tilmaamay mucaaradka dowladiisa yihiin “Cadowgiisa labaad”,intaasi ugama uusan harin, ee waxaa uu raaciyey inuu ula dagaalamayo sidii “Al-Shabaab oo kale”, taasina waxay abuurtay cabsi iyo walwal la soo dersay madaxda xisbiyadda dalka iyo siyaasiyiinta aan xisbiyadda ku jirin, balse doonaya inay qeyb ka noqdaan doorashda 2016.

Dhinaca kale, Madaxweyne Abdiweli Gaas ayaa dhankiis waxaa uu bilaabay in saxaafadda uu cadaadis saaro, waxaa uu xarig kula kacay Radio Daljir, waxaana uu xabsiga u taxaabay kuxigeenkii hore ee duqa magaalada Gaalkacyo, iyaddoo sidoo kale wasiirkiisa Warfaafinta uu saxaafadda ugu hanjabay in cidii aan nidaamkiisa raacin uu xiri doono!!. Waxaasi oo dhana waa sidii saxaafadda looga leexin lahaa dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee ka socday magaalada Garowe, maadaama xilli doorasho lagu jiro.

Madaxweynaha Galmudug Abdikariim Guuleed, isaga waxaa uu la daalaa-dhacayaa duufaano siyaasadeed oo kasoo wajahay mucaaradka Galmudug, waxaana uu waqti badan gelinayaa sidii uu kursiga uu ku fadhiyo u badbaadsan lahaa, maadaama uu soo baxay war sheegaya in mooshin laga soo gudbiyey. Shalay oo u danbeysay waxaa uu markii ugu horeysay hor fariistay mucaaradka ugu adeg oo ay isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh leeyihiin, lamana yaqaan waxa kasoo baxay oo ay isku raaceen.



DHAQAALE MA HEYSTAAN GUDDIYADDA DOORASHADA?

Sida ka muuqatay hadalka uu Madaxweyne Xasan Shiikh ka sheegay Universal TV, ma jiraan wax dhaqaale ah oo ay heleen, waxaase uu carabaabay inay beesha caalamka ka sugayaan, taasi oo muujineysa in dhammaan guddiyada heer maamul goboleed iyo heer dowlada dhexe aysan heysan wax dhaqaale ah oo ay kusii shaqo bilaabaan.

Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay arrimahaasi wax ka qabaneysana si cad uma sheegin inay dhaqaale kusii bixinayaan, waxaase uu sheegay in dowlada iyo shacabka ay arrimaha dhaqaalaha doorashada lagu socon siinayo ka tashan doonaan!! Waase goorma xilliga laga tashanayo ? Ma waqti shacab iyo dowlada dhexe lacagta guddiga doorashada kawada hadlaan ayaa la joogaa? Maxaase haddii laga cabsanayo inaysan dhaqaale imaan horey shacabka loogu soo gudbin waayey arrintaasi ? BAL ADBA!!.

MAXAA MUUQDA HADDA ?

Waxaa cad in dib u dhac ay ku imaaneyso doorashada, maxaa yeelay waqtigii awalba yaraa ayaa haddana waxba lagu qaban. Waxaana iminka dhiman wax ka yar bil iyo bar, mana filayo in doorasho xalaal ah waqtigaasi yar lagu qaban karo howlaha baaxada leh ee aan waxba laga bilaabin.

Kulanka ugu soo horeeya ee madaxda madasha qarankana waxaa ay la gole imaan doonaan in waqti loogu daro doorashada, maadaama howsha ay baaxad weyn tahay. Taasina waa mid horey looga diiday dowlada, maxa yeelay waa waqti dheereysi aan sharci aheyn, horeyna waxaa arrintaasi u codsaday Ra'iisul wasaare Cumar Abdirashiid.

Beesha caalamka iyo xisbiyadda siyaasadda lama yaqaan waxa ay ka yeeli doonaan haddii si cad loo shaaciyo in waqti lagu dari doono xilliga doorashada, maadaama ay horey go'aano diidmo qayaxan ah uga dhiibteen.

BIL IYO MAALMO MAXAA LAGU QABAN KARAA OO XALAAL AH?

Waa su'aal muhiim ah, waana calaamad su'aal dul-saaran haddii aan waqti lagu kordhin xilliga doorashada waxaa la qaban karo, waliba lagu qaban karo bil iyo maalmo.

Dadka ku xeeldheer arrimaha siyaasada, gaar ahaan dalalka soo koraya ee uusan fadhin hannaankooda doorashada ee cadaalada ah ayaa waxay qabaan inay dhici karto wax isdaba-marin xooggan, maxaa yeelay waqti lagu kala hufo qaladka iyo saxa lama helayo, waxaana ay madaxda howsha faraha kula jirta cudurdaar ka dhigan doonaan inuu waqtigu ku yar yahay, sidaasi darteedna waxkasta ay dhici karaan, balse ay muhiim tahay in doorashdo dhacdo.

Sidaasi darteed, waa wax adeg in waqtigaasi lagu soo magacaabo 13,750 ergo,kuwaasi oo soo xuli doona 275 xildhibaan, sidoo kalana 54 xubnood oo aqalka sare ay baarlamaanada maamul goboleedyada ku soo doortaan, iyaddoo howshaasina ay wada qabanayaan hal guddi oo ah guddiyadda maamul goboleedyada, kadibna doorashadii madaxweynaha iyo midii guddoonka baarlamaanka la isugu yimaado Muqdisho.


Ma doonayo in aan ku niyad-jabiyo akhristow, waxaanse rabaa in aan kuu iftiimiyo xaqiiqda. Aniga oo raba inaad doorashada wixii ka qaldama aad ogaatid meesha ay kasoo bilowdeen iyo cidda mas'uuliyaddaasi qaadi doonta. Dalkana mucaarad iyo muxaafid waa ka dhexeeyaa, ee yeysan naga noqon haddii waxa qaloocan la tilmaamo “Madaxda ayaa loo socdaa”, balse ha loo dhigo gadalka “Toosinta dalka iyo dadka ayaa loo socdaa”.

Waxaan rabaa in aan kusoo afmeero qoraalkeygan is xasuusinta ah qeybo ka mid ah isla maansada dalan-baabi, taasi oo ah dardaaran walaalnimo iyo raadinta dowga dowladnimo oo aanan iminka heyn.

Hadalkeyga dulucdiisiyo
Murtideyda dabataal
Waxba yaanan darafkiyo
Daafaha ka meerine
Waxaa iga dardaaran ah
Difaacii midnimadiyo
Nabadoono dooniyo
Duunyadoonu dhaqankiyo
Kaluunkoo dabaniyo
Dalagoo aan beernaa
Dugsi laga helaayoo
Ducfi looga baxayaa

Madaxda madasha Qaranka waxaa maanta saaran mas'uuliyad weyn, taasi oo ah inay dalkan ka badbaadiyaan inuusan ku noqon meelo uu kasoo gudbay, islamarkaana ay gaarsiiyaan doorasho cadaalad ah oo marin usii noqon karta in la naawilo 2020 inay dhici karto doorasho qof iyo codkiisa ah.

NB: Warbixinteyda waa dhaliili kartaa, waana ammaani kartaa, waxaana ka ahay mas'uul qaabka aan u qoray, balse sida aad adiga u fasirato shaqo kuma lihi. Wixii aad ka qabto waxaa igula wadaagi kartaa emailkeyga ah : garyare139@yahoo.com . Mahadsanidiin.







Friday 17 June 2016

Maansada "DALAN-BAABI" oo aan ka tiriyey qabyaalad xukun lagu raadiyo.

Abdiweli Ibrahim Garyare


DALAN-BAABI: Maansada Dalan-baabi waxaan sameeyey maanta, kadib markii baarlamaanka ansixiyey dhawaan xeerkii xisbiyadda, waxaana markiiba bilowday xisbiyo sumad qabiil leh oo lagu kala dhawaaqday. Haddana sidaasi dowladnimo lagu raadinayo. Hadde waa tabtii hoggaamiye kooxeedyaddii oo xisbiyo loo rogay!. BAL ADBA!!.
Waxaa raga xilka raba isugu jiraan: Dalaaliin, khaa'imiin, shisheeye jecel iyo sokeeye neceb, mid horey xil loogu dhiibay ku fashilmay iyo mid cusubba.
Markaasi ayaan maansada la yiraahdo "DALAN-BAABI" ka sameeyey ragaasi iyo dadka ay rabaan inay xilka u qabtaan, gaar ahaan aniga oo la hadlaya kuwa codka leh ee ah 13, 750 qof.

1. Dulmanaha is dulminahayoow
2. Haddana is dafirahayoow
3. Wada jirkana diidayoow
4. Gaajiyo Dib-dhac'iyo
5. Dagaal iyo qaxootinimo
6. Idinkaa noo doorayoo
7. Diiwaankana noogu dhigay

8.  Waxaa dalan-baabi jira
9.  Waxaa dow-xumo naqaan
10. Kuwaa dib jirkee na helay
11. Mise diihaal u qaba
12. Sideey noo dabar jaraan
13. Kuwiinaa la duubanoow
14. Dowladnima ka dhowrayoow
15. Dowgaas lagu doogi waaye
16. Dooraad meeshaad marteen
17. Ayaa dib u taagantiin.

18. Hoggaankaan daalinkiyo
19. Dalaaliinta u dhiibanaaa
20. Dalowga inaga ridee
21. Dadweynow maantadaan
22. Miyaan dabinkiyo warmaha
23. Dalkeena ka dhowranaa?

24. Anigaa doojinoo aqaan
25. Anigaa daahiroo waxtara
26. Anigaa dib usoo unkami
27. Dilaacyada muuqdiyo
28. Kuwaan deymadu arkeyn
29. Haddii ay daldalahayaan
30. Duulow ha ka yeelinina
31. Dibnaha ay ka oranayaan'iyo
32. Maankoodaa kala duwane

33. Khiyaanada deriskiyo
34. Shisheeyaha dacarta wada
35. Ninka ay ka dadan yihiinee
36  Dagaalada sokeeyaha
37. Iyo dirirta maantadada
38. Daalacan inoo yiri
39. Maandeeq in loo diro
40. Daawana la naawilo
41. Maankeygu diid taas

42. Doorkii inoo kacay
43. Deeqdoodu laga yeel
44. In tahriibka loo dirayiyo
45. In dalkooda lagu dilay
46. Waa su'aal da'weyne
47. Sidee loo daba-qabtaa
48. Dabar go'a dirkeenaa?

49. Allow daa'imow adaa
50. Dartaa u soomanee
51. Duufaantaa na heysatiyo
52. Dayowgaa wada qabnee
53. Ku diidnay walaalnimada
54. Dabiibkeed adaa hayee
55. Nabad lagu diirsadiyo
56. Daacadnimo noogu badel.

Curiye :Abdiweli Ibrahim Garyare
13/06/2016
Oosterhoud, Netherlands


AFEEF: Waxa aan ula jeedo ayaan mas'uul ka ahay, ee sida aad u fasirato shaqo kuma lihi. Mida kale dhammaan xisbiyada la bilaabay ma wada xuma, ee qaar ka mid ah ayaa dariiq qaldan lagu bilaabay. Mahadsanidiin