Monday 11 July 2016

FAALLO: Guddiyo doorasho oo ballan shaqo ku socon, Maxaa laga filan karaa? Abdiweli Garyare.



W/Q, Abdiweli Ibrahim Garyare 

        Agaasimaha iyo Milkiilaha Radio VOSHilversum, Netherlands,

Malaha markii aad aragtay ciwaanka qoraalkeyga, waxaa kugu soo dhacay isweydiimo badan. Waa sax isweydiimahaasi inay kugu soo dhaceen, waliba ay yihiin kuwa xaqiiqo kawaran ah, laakiin isku dhinac in aan ka joogno arrinta aan ka hadlayo iyo in aan kala dhinac ka joogno, waxay ku xiran tahay sida aad hadba u fakarto akhriste.

Ma ihi ruux kuu sheegaya wax aadan ogeyn, waxaanse ahay ruux ku xasuusinaya akhrite arrin madaxdaadu kugula ballantay oo aysan kasoo bixin. Adigan akhrinaya qoraalkeygana aadan madaxdaada kula xisaabtamin ballamaha muhiimka u ah doorashad oo ay ka baxeen!!.

Madaxda hoggaamisa madasha loo bixiyey “Wadatashiga” ayaa kulamo joogta ah waxay ku yeelanayeen magaalooyin kala duwan oo dalka ah, waxaase ugu muhiimsanaa midkii ka dhacay Baydhabo oo laga soo saaray “Jadwalka doorashada”, ii xasuusnow erayga ah “Jadwalka doorashada”. Maxaa yeelay waa halka aan rabo in aan wax badan kaa tuso.

Shirkaasi inta uu socday waxaa lagu kala diray guddigii doorasho ee muranka badan dhaliyey, maadaama ay ka buuxeen wasiiro dowlada dhexe ah iyo kuwa maamul goboleedyadda, waxaase dib laga soo magacaabay guddi doorasho oo ay ka muuqdaan lataliyayaashii iyo gacan-yarayaashii madaxda ku bahowday (Madasha wadatashiga Qaran). Taasi oo mar kale abuurtay walwal iyo cabsi laga qabo sida ay cadaalad u noqon karto doorasho ay maamulayaan guddiyo qaabkaasi ku dhisan, mana muuqato dariiq wax looga baddelayo.


Waxaa taasi barbar socda ifafaale muujinaya in doorashada aysan ku qabsoomi doonin xilliga loo qabtay, waana tuhun in badan shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku jiray, balse ay madaxda xilka dowladeed heysa ka af-gobaadsanayeen, haddase ay u muuqato si farsamo ahaan ah inay u dhaceyso arrintaasi.


MAXAY TAHAY SABABTA?
Jadwalka laga soo saaray Baydhabo ilaa hadda wax looga dhaqaaqay ma jiraan, marka laga reebo guddiga laga soo magacaabay xarumaha dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kalana guddiyadaasi ma jiraan wax kulan ah oo ay ilaa hadda yeesheen, iskaba dhaaf inay doortaan guddoomiyayaashii kala hoggaamin lahaa si ay shaqada u bilaabatee.

Baaris aan sameeyey waxaan ku ogaaday in badi xubnaha ku jira guddiyadaasi inaysan dalkaba joogin, magacaabistoodana ay internetka un ku arkeen. Halkii laga doonayey saacadan aan qoraalkan qorayo inay shaqadii loogu cadeeyey jadwalkii Baydhabo ay ku jiraan!!. BAL ADBA!!.

Aniga oo ka duulaya habdhaqanka noocaasi oo kale ah, ayaa waxaa dhawaan sameeyey maanso la yiraahdo “Dalan-baabi”.Waxaana qeyb ka mid ah ay leedahay:

Waxaa dalan-baabi jira
Waxaa dow-xumo naqaan
Kuwaa dib jirkee na helay
Mise diihaal u qaba
Sideey noo dabar jaraan
Kuwiinaa la duubanoow
Dowladnima ka dhowrayoow
Dowgaas lagu doogi waaye
Dooraad meeshaad marteen
Ayaa dib u taagantiin.

MAXAA LAGU BALAMAY OO QABSOOMIN?

  1. Waxaa lagu balamay in 24-06-2016, la soo magacaabo guddigii khilaafaadka iyo xallinta wixii muran ah ee yimaada. Mana jirto ilaa hadda cid loo magacaabay guddigaasi. Waana ballan aan fulin midda ugu horeysa!!
  2. 26-29- bisha Juun ee la soo dhaafay waxaa ballantu aheyd in tababar loo furo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, mana dhicin taasi, maxaa yeelay maba wada joogaan dalka, sidoo kalana nidaamkii tababar loogu furi lahaa ma muuqdo.
  3. 30-Juun-2016, waxaa qorshuhu ahaa inay guddiyada doorashada bilaabaan wacyigelinta dadweynaha Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar noqdaan ka qeybgalka doorashada dad-ban, taasina ma dhicin, maxaa yeelay guddiyada laftooda ayaanba tababar iyo wacyigelin ku aadan waxa ay qabanayaan u qabsoomin.
  4. Sida ku cad jadwalkii Baydhabo, waxaa qorshuhu ahaa in 08-07-2016, guddiga doorashada isugu yeeraan odayaasha dhaqanka, kadibna ay ka dalbadaan inay soo magacaabaan eryooyinkii soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale isla maalintan waxaa la iska rabay in la soo gudbiyo xubnaha AQALKA SARE. Taasina ma dhicin, maxaa yeelay guddiga doorashada maba uu diyaarsana qabashada howlahaasi horey loogu jideeyey. Waana dib u dhac kale.
  5. Maalintii ku xigtay oo aheyd 09-07-2016, waxaa la doonayey in la diiwaangeliyo musharixiinta Aqalka Sare, taasina warkeed ma yaal, oo madaxdii magacaabi laheyd maba joogaan dalka, oo qaar ayaa Nairobi maanta iska fadhiya.
  6. Waxaa shalay oo aheyd (10-07-2016) la iska rabay inay odayaasha dhaqanka soo gudbiyaan dhammaan ergooyinkii dooran laheyd xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo dhan 13,750 ergo, mana dhicin taasi. Waxaa taasi barbar socday oo la iska rabay inay guddiyada doorashada maalintan oo kale diyaariyaan hanaankii codbinta lagu geli lahaa, sida warqadii codeynta iyo diiwaangelinta xubnaha mushariixinta, iyaddo lagu sii lamaaniyey qodob sheegaya in la xoojiyo wacyigelinta shacabka. Qodobkaasna ma fulin isagana.
  7. 14-15 oo ah bishan aan ku jirno ee todobaad waxaa jadwalkaasi qeexayaa in la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta u taagan Aqalka Sare, taasi oo ay inaga xigto laba cisho, miyey dhici kartaa? Jawaabta waa maya, maxaa yeelay wixii ka horeeyey ayaanba soo qabsoomin.

Intaasi waxaa idin kusoo qaaday waa xasuusin wixii lagu ballamay iyo inaad fahantaan ujeedka qoraalkeyga aan uga hadlayo in “Ballan ku bilaabatay fashil inaysan guul ku danbeyn karin, waa haddii aan wax laga baddelin dariiqa lagu socdee”.



Mar kale, maansada Dalan-baabi ee aan ka curiyey habdhaqanka madaxda maanta Soomaaliye iyo dariiqa inay wax ku raadinayaan, ayaa waxaa ka mid ah:

Hoggaankaan daalinkiyo
Dalaaliinta u dhiibanaaa
Dalowga inaga ridee
Dadweynow maantadaan
Miyaan dabinkiyo warmaha
Dalkeena ka dhowranaa?
Anigaa doojinoo aqaan
Anigaa daahiroo waxtara
Anigaa dib usoo unkami
Dilaacyada muuqdiyo
Kuwaan deymadu arkeyn
Haddii ay daldalahayaan
Duulow ha ka yeelinina
Dibnaha ay ka oranayaan'iyo
Maankoodaa kala duwane
Khiyaanada deriskiyo
Shisheeyaha dacarta wada
Ninka ay ka dadan yihiinee
Dagaalada sokeeyaha
Iyo dirirta maantadada
Daalacan inoo yiri
Maandeeq in loo diro
Daawana la naawilo
Maankeygu diid taas

CULEYSKA UGU WEYN XAGGEE KA JIRAA?
Waxaa uu ka jiraa madaxda madasha Qaran oo ka caga-jiidaya sidii doorashada ugu qabsoomi laheyd waqtiga loogu talagalay, maxaa yeelay in ka badan lix bilood ayey isugu soo noqnoqdaan oo u kulmaan doorasho aan tilaabo loo qaadeyn. Waxaana midkasta uu leeyahay dano siyaasadeed oo uu ka dhex raadinayo hannaanka doorashada 2016.

Gobollada qaar waxaa ka bilowday caburin saxaafadeed iyo cadaadis in la saaro siyaasiyiinta loo arko inay ka fikir duwan yihiin madaxda ku jirta madasha qaranka, waxaana tusaale inoogu filan Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku tilmaamay mucaaradka dowladiisa yihiin “Cadowgiisa labaad”,intaasi ugama uusan harin, ee waxaa uu raaciyey inuu ula dagaalamayo sidii “Al-Shabaab oo kale”, taasina waxay abuurtay cabsi iyo walwal la soo dersay madaxda xisbiyadda dalka iyo siyaasiyiinta aan xisbiyadda ku jirin, balse doonaya inay qeyb ka noqdaan doorashda 2016.

Dhinaca kale, Madaxweyne Abdiweli Gaas ayaa dhankiis waxaa uu bilaabay in saxaafadda uu cadaadis saaro, waxaa uu xarig kula kacay Radio Daljir, waxaana uu xabsiga u taxaabay kuxigeenkii hore ee duqa magaalada Gaalkacyo, iyaddoo sidoo kale wasiirkiisa Warfaafinta uu saxaafadda ugu hanjabay in cidii aan nidaamkiisa raacin uu xiri doono!!. Waxaasi oo dhana waa sidii saxaafadda looga leexin lahaa dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee ka socday magaalada Garowe, maadaama xilli doorasho lagu jiro.

Madaxweynaha Galmudug Abdikariim Guuleed, isaga waxaa uu la daalaa-dhacayaa duufaano siyaasadeed oo kasoo wajahay mucaaradka Galmudug, waxaana uu waqti badan gelinayaa sidii uu kursiga uu ku fadhiyo u badbaadsan lahaa, maadaama uu soo baxay war sheegaya in mooshin laga soo gudbiyey. Shalay oo u danbeysay waxaa uu markii ugu horeysay hor fariistay mucaaradka ugu adeg oo ay isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh leeyihiin, lamana yaqaan waxa kasoo baxay oo ay isku raaceen.



DHAQAALE MA HEYSTAAN GUDDIYADDA DOORASHADA?

Sida ka muuqatay hadalka uu Madaxweyne Xasan Shiikh ka sheegay Universal TV, ma jiraan wax dhaqaale ah oo ay heleen, waxaase uu carabaabay inay beesha caalamka ka sugayaan, taasi oo muujineysa in dhammaan guddiyada heer maamul goboleed iyo heer dowlada dhexe aysan heysan wax dhaqaale ah oo ay kusii shaqo bilaabaan.

Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay arrimahaasi wax ka qabaneysana si cad uma sheegin inay dhaqaale kusii bixinayaan, waxaase uu sheegay in dowlada iyo shacabka ay arrimaha dhaqaalaha doorashada lagu socon siinayo ka tashan doonaan!! Waase goorma xilliga laga tashanayo ? Ma waqti shacab iyo dowlada dhexe lacagta guddiga doorashada kawada hadlaan ayaa la joogaa? Maxaase haddii laga cabsanayo inaysan dhaqaale imaan horey shacabka loogu soo gudbin waayey arrintaasi ? BAL ADBA!!.

MAXAA MUUQDA HADDA ?

Waxaa cad in dib u dhac ay ku imaaneyso doorashada, maxaa yeelay waqtigii awalba yaraa ayaa haddana waxba lagu qaban. Waxaana iminka dhiman wax ka yar bil iyo bar, mana filayo in doorasho xalaal ah waqtigaasi yar lagu qaban karo howlaha baaxada leh ee aan waxba laga bilaabin.

Kulanka ugu soo horeeya ee madaxda madasha qarankana waxaa ay la gole imaan doonaan in waqti loogu daro doorashada, maadaama howsha ay baaxad weyn tahay. Taasina waa mid horey looga diiday dowlada, maxa yeelay waa waqti dheereysi aan sharci aheyn, horeyna waxaa arrintaasi u codsaday Ra'iisul wasaare Cumar Abdirashiid.

Beesha caalamka iyo xisbiyadda siyaasadda lama yaqaan waxa ay ka yeeli doonaan haddii si cad loo shaaciyo in waqti lagu dari doono xilliga doorashada, maadaama ay horey go'aano diidmo qayaxan ah uga dhiibteen.

BIL IYO MAALMO MAXAA LAGU QABAN KARAA OO XALAAL AH?

Waa su'aal muhiim ah, waana calaamad su'aal dul-saaran haddii aan waqti lagu kordhin xilliga doorashada waxaa la qaban karo, waliba lagu qaban karo bil iyo maalmo.

Dadka ku xeeldheer arrimaha siyaasada, gaar ahaan dalalka soo koraya ee uusan fadhin hannaankooda doorashada ee cadaalada ah ayaa waxay qabaan inay dhici karto wax isdaba-marin xooggan, maxaa yeelay waqti lagu kala hufo qaladka iyo saxa lama helayo, waxaana ay madaxda howsha faraha kula jirta cudurdaar ka dhigan doonaan inuu waqtigu ku yar yahay, sidaasi darteedna waxkasta ay dhici karaan, balse ay muhiim tahay in doorashdo dhacdo.

Sidaasi darteed, waa wax adeg in waqtigaasi lagu soo magacaabo 13,750 ergo,kuwaasi oo soo xuli doona 275 xildhibaan, sidoo kalana 54 xubnood oo aqalka sare ay baarlamaanada maamul goboleedyada ku soo doortaan, iyaddoo howshaasina ay wada qabanayaan hal guddi oo ah guddiyadda maamul goboleedyada, kadibna doorashadii madaxweynaha iyo midii guddoonka baarlamaanka la isugu yimaado Muqdisho.


Ma doonayo in aan ku niyad-jabiyo akhristow, waxaanse rabaa in aan kuu iftiimiyo xaqiiqda. Aniga oo raba inaad doorashada wixii ka qaldama aad ogaatid meesha ay kasoo bilowdeen iyo cidda mas'uuliyaddaasi qaadi doonta. Dalkana mucaarad iyo muxaafid waa ka dhexeeyaa, ee yeysan naga noqon haddii waxa qaloocan la tilmaamo “Madaxda ayaa loo socdaa”, balse ha loo dhigo gadalka “Toosinta dalka iyo dadka ayaa loo socdaa”.

Waxaan rabaa in aan kusoo afmeero qoraalkeygan is xasuusinta ah qeybo ka mid ah isla maansada dalan-baabi, taasi oo ah dardaaran walaalnimo iyo raadinta dowga dowladnimo oo aanan iminka heyn.

Hadalkeyga dulucdiisiyo
Murtideyda dabataal
Waxba yaanan darafkiyo
Daafaha ka meerine
Waxaa iga dardaaran ah
Difaacii midnimadiyo
Nabadoono dooniyo
Duunyadoonu dhaqankiyo
Kaluunkoo dabaniyo
Dalagoo aan beernaa
Dugsi laga helaayoo
Ducfi looga baxayaa

Madaxda madasha Qaranka waxaa maanta saaran mas'uuliyad weyn, taasi oo ah inay dalkan ka badbaadiyaan inuusan ku noqon meelo uu kasoo gudbay, islamarkaana ay gaarsiiyaan doorasho cadaalad ah oo marin usii noqon karta in la naawilo 2020 inay dhici karto doorasho qof iyo codkiisa ah.

NB: Warbixinteyda waa dhaliili kartaa, waana ammaani kartaa, waxaana ka ahay mas'uul qaabka aan u qoray, balse sida aad adiga u fasirato shaqo kuma lihi. Wixii aad ka qabto waxaa igula wadaagi kartaa emailkeyga ah : garyare139@yahoo.com . Mahadsanidiin.







Friday 17 June 2016

Maansada "DALAN-BAABI" oo aan ka tiriyey qabyaalad xukun lagu raadiyo.

Abdiweli Ibrahim Garyare


DALAN-BAABI: Maansada Dalan-baabi waxaan sameeyey maanta, kadib markii baarlamaanka ansixiyey dhawaan xeerkii xisbiyadda, waxaana markiiba bilowday xisbiyo sumad qabiil leh oo lagu kala dhawaaqday. Haddana sidaasi dowladnimo lagu raadinayo. Hadde waa tabtii hoggaamiye kooxeedyaddii oo xisbiyo loo rogay!. BAL ADBA!!.
Waxaa raga xilka raba isugu jiraan: Dalaaliin, khaa'imiin, shisheeye jecel iyo sokeeye neceb, mid horey xil loogu dhiibay ku fashilmay iyo mid cusubba.
Markaasi ayaan maansada la yiraahdo "DALAN-BAABI" ka sameeyey ragaasi iyo dadka ay rabaan inay xilka u qabtaan, gaar ahaan aniga oo la hadlaya kuwa codka leh ee ah 13, 750 qof.

1. Dulmanaha is dulminahayoow
2. Haddana is dafirahayoow
3. Wada jirkana diidayoow
4. Gaajiyo Dib-dhac'iyo
5. Dagaal iyo qaxootinimo
6. Idinkaa noo doorayoo
7. Diiwaankana noogu dhigay

8.  Waxaa dalan-baabi jira
9.  Waxaa dow-xumo naqaan
10. Kuwaa dib jirkee na helay
11. Mise diihaal u qaba
12. Sideey noo dabar jaraan
13. Kuwiinaa la duubanoow
14. Dowladnima ka dhowrayoow
15. Dowgaas lagu doogi waaye
16. Dooraad meeshaad marteen
17. Ayaa dib u taagantiin.

18. Hoggaankaan daalinkiyo
19. Dalaaliinta u dhiibanaaa
20. Dalowga inaga ridee
21. Dadweynow maantadaan
22. Miyaan dabinkiyo warmaha
23. Dalkeena ka dhowranaa?

24. Anigaa doojinoo aqaan
25. Anigaa daahiroo waxtara
26. Anigaa dib usoo unkami
27. Dilaacyada muuqdiyo
28. Kuwaan deymadu arkeyn
29. Haddii ay daldalahayaan
30. Duulow ha ka yeelinina
31. Dibnaha ay ka oranayaan'iyo
32. Maankoodaa kala duwane

33. Khiyaanada deriskiyo
34. Shisheeyaha dacarta wada
35. Ninka ay ka dadan yihiinee
36  Dagaalada sokeeyaha
37. Iyo dirirta maantadada
38. Daalacan inoo yiri
39. Maandeeq in loo diro
40. Daawana la naawilo
41. Maankeygu diid taas

42. Doorkii inoo kacay
43. Deeqdoodu laga yeel
44. In tahriibka loo dirayiyo
45. In dalkooda lagu dilay
46. Waa su'aal da'weyne
47. Sidee loo daba-qabtaa
48. Dabar go'a dirkeenaa?

49. Allow daa'imow adaa
50. Dartaa u soomanee
51. Duufaantaa na heysatiyo
52. Dayowgaa wada qabnee
53. Ku diidnay walaalnimada
54. Dabiibkeed adaa hayee
55. Nabad lagu diirsadiyo
56. Daacadnimo noogu badel.

Curiye :Abdiweli Ibrahim Garyare
13/06/2016
Oosterhoud, Netherlands


AFEEF: Waxa aan ula jeedo ayaan mas'uul ka ahay, ee sida aad u fasirato shaqo kuma lihi. Mida kale dhammaan xisbiyada la bilaabay ma wada xuma, ee qaar ka mid ah ayaa dariiq qaldan lagu bilaabay. Mahadsanidiin

Waa Maansadii "QARANIMO MUGDIYA " ee aan qabyaalada dhaxalkeeda ka tiriyey.

                                                           Abdiweli Ibrahim Garyare



QARANIMO MUGDIYA: Maansadan soo socota oo aan caawa curiyey waxaa ay timid markii aan arkay kuwa maanlaawayaal ah oo dhibkii qarixii Ambasadoor aysan u muuqan, sidoo kalana booqashadii Madaxweynaha Turkiga ee maanta aan arag, balse ay u muuqata "SIDEE REERKEENA WAX BADAN UGA HELAA DOORASHADA SOO SOCOTA". Qoraalo ay ilaa shalay iyo maanta qorayeen wax aan intaasi aheyn waan ka waayey. Markaasi ayaa aniga oo ku hal-qabsanaya saaxiibkeey Mahir Jamac Adam oo ah guddoomiyaha ururka wariyayaasha Soomaaliyeed ee NUSOJ tiriyey murtida hoose.

1. Miyaa dhalataa marqura?
2. Miyaa casharada qarniga
3. Naftaada u meerisaa?
4. Miyaa libin doorisaa
5. Waxaad miidoo laheyd?
6. Miyaa dacar laacataa?
7. Miyaa dudo raadsataa?
8. Miyaa diidmada cishqiga
9. Maankaaga ku sooreysaa?
10. Miyaa muxibada dadnimo
11. Mugdiyo u taqaan waxbaba?

12. Miinleeydaa wada taxane
13. Ku meeran su'aalahaa
14. Adeey kugu miiranyiine
15. Miyaa heysaa jawaab?

16. Marbaa malab daaceysaa
17. Marbaa mirir haaba-taa
18. Marbaa miciyaha libaax
19. Dhexdooda miciinsataa
20. Murtida aad meersatide
21. Miyaa maqal fiican tahay
22. Miyaa dhugashadii wacney'iyo
23. U heysaa miirsamaan?

24. Mahir-baa laga hayaa
25. Markeey malmaleysatada
26. Markeey macmaceysatada
27. Markeey malaxeysatada
28. Maankooda ku beegan tahay
29. Ayey milic laaqayaan
30. Misana ay doodayaan
31. Ileen miyir kaa maqane!

32. Qabyaaladu waa mariid
33. Qabyaaladu waa maraan
34. Qabyaaladu waa meel cidlaa
35. Naftaada ku makamakee
36. Qarankana ku moora-duug
37. Maxay Mahad naga qabtaa
38. Maxay Muna iyo filkeed
39. Darteeda u mowtan-yiin

40. Umadyahay wada maahsanee
41. Maankiyo garashadii lunshe
42. Caqligu uu maqanyahee
43. Mugdina geliyey tashiga
44. Xumaha aad miisateen
45. Ee aad isku moosaysaan
46. Hadana isku maagaysaan
47. Idinkoo mataaniyo far-qura
48. Micnaheeda la garanba waa
49. Marbaa la is-daba qabtaaye
50. Mowlaha aan barina'oo
51. Sidaan qaranimo madow
52. Mar un uga soo baxnee

53. Waxba yaan marinkiyo
54. Maansadan ma'leyda ah
55. Bad ila sii maqoorane
56. Murigiyo wareerbaa
57. Mulkinoo na heystee
58. Maslaxada guud'iyo
59. Midnimada u hiiliya

60. Moog iyo ismoodsiis
61. Hadd maanta moodaan
62. Hadalkeyga miidaa
63. Maqaawiir timaadiyo
64. Madaxdiyo dadkeygaa
65. Mareegaha ka daalacan.

Curiye:
Abdiweli Ibrahim Garyare
03/06/2016

AFEEF: Sida aan u jeeday ayuu ku fasiran yahay hal-abuurkan, ee sida aad adiga u qaadato ama u micneysato shaqo kuma leh. Mahadsanidiin.

Tuesday 19 April 2016

Abdiweli Garyare “Ha lumin madaxbanaanida NUSOJ, hana sii fogeyn hoggaan la'aanta heysata”.



                                                   Qore: Abdiweli Ibrahim Garyare 

Waxaa muddo socday dadaalo iyo isku-day lagu doonayo in dib loogu saxo turaan-turooyinkii ku yimid ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ. Si taasi looga gudbana waxaa la aqbalay wax badan oo aan munaasib u aheyn dariiqa loo maray, iyaddoo la eegayo xalka iyo isku tanaasulka.

Waxaa la magacaabay guddi loo yeelay laba magac: Guddiga dhexdhexaadinta NUSOJ ama guddiga badbaadinta NUSOJ. Hadba midkii uu afkaaga soo qabto ayaa loogu yeeraa guddigaasi, waxaase la isku raacsan yahay shaqada looga fadhiyey oo ah : inay keenaan nidaam lagu soo afjari karo khilaafkii iyo kala fogaanshihii ururka wariyayaasha Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Annaga oo aan ku jirin dadka laga talogeliyey dhismaha guddigaasi iyo waxa uu qabanayo ayaa haddana waxaan bilownay sidii wariyayaasha Soomaaliyeed fursad u siin lahaayeen tallaabadda uu guddigaasi qaadayo iyo sida ugu habboon ee looga caawin karo shaqadaasi.

Sida ay marqaati inooga yihiin xubno ka tirsan guddiga, waxaan si dhaw ugala shaqeynay in garabkasta oo waxtabanayey uu ku qanco howsha guddiga, islamarkaana uu wax ka haggaajiyo madasha ugu danbeysa ee lagu soo ibo-xirayo hoggaan la'aanta NUSOJ.

Si arrintaasi loo gaaro, waxaan shir u qabanay wariyayaasha Soomaaliyeed ee qaarkood ku nool Yurub, maadaama aysan u dhaweyn xarunta howsha NUSOJ ka socoto ee Muqdisho. Shirkaasi oo ka dhacay London, waxaana kasoo baxay qoddobo waxtar u lahaa geeddi-socodka iyo jiheynta dhismaha NUSOJ-ta cusub.

Waxkasta oo la dhisayo waa inay cad yihiin qaabka loo dhisayo iyo xubnaha wax ka dhisaya. Waa in dariiq cadaaladeed la mariyaa, waana in laga dheereeyaa waxkasta oo mugdi-gelin kara. Sidoo kalana waa in dhismaha NUSOJ laga dhowraa gacmo siyaasadeed, maxaa yeelay waa urur madaxbanaan, sida ku cad dastuurka u deggsan.

Guddiga waxaa uu warkiisii ugu danbeeyey ku sheegay in shirweynaha uu furmayo 20-04-2016 oo maanta ah. Mana dhicin inuu furmo. Waxaa maxkamadda amarkeeda ku cad, 28-04-2016 in doorashada dhacdo, iyaddana saansaanteeda ma muuqato.

Maxaa haddaba hortaagan?

Waxa hortaagan shaqsi ahaan ma aqaan, waxaase laga rabaa inay guddiga u caddeeyaan wariyayaasha Soomaaliyeed waxa dib u dhaca keenaya ama keeni kara maalmaha soo socda.

Doorasho cadaalad ah inay dhacdo, maxaa sal u ah ?

  1. Waxaa la iska rabaa in la caddeeyo tirada wariyayaasha ee ka qeybgalaya shirweynaha NUSOJ.
  2. Wariyayaashaasi, ma NUSOJ ayey xubin ka yihiin mise ururkaba kuma jiraan ?
  3. Guddiga wariyaha ay casumayaan, ma waxay ku tixgelinayaan inuu idaacad kaliya ka shaqeeyo mise waxay u eegayaan inuu laammaha kala duwan ee warbaahinta u shaqeeyo?, Haddii jawaabta danbe ay guddiga qabaan, waxaa la iska rabaa,
    A: Imisa ayaa idaacad ah?
    B: Imisa ayaa TV ah
    C: Imisa ayaa wargeys ka socota
    D: Imisa ayaase website ka socota?
  4. Nusoj horey laammo ayey ugu laheyd gobollada dalka oo lagu saleyn jirey xubnaha shirka doorashada kasoo qeybgalaya, ma dariiqaasi ayaa la maray mise dariiq aan dastuurka NUSOJ shaqo ku laheyn?
  5. Shirkaasi ma doorasho oo qura ayuu ku saabsan yahay mise sharciga NUSOJ in dib loo saxo ka hor doorashada ayaa qorshuhu yahay ?, maxaa yeelay sixitaan la'aanta sharcigaasi, waxba kama baddeleyso shaqsiyaad la doortay.

Waxaasi oo dhami haddii aysan inoo caddeyn, miyaa geli karnaa doorasho?, waxay ila tahay (MAYA).

Maxaa dhacaya haddii doorashada dhacdo, iyaddoo waxaasi loo eegin?

Waxaan qabaa inay dariiqa u fureyso dhismaha dhowr NUSOJ, oo ka xal durugsanaan doona kuwii hadda la lahaa waa la xallinayaa. Waxaana imaan doonta in wixii halkaasi kasoo baxa ay noqdaan “Hal bacaad lagu lisay”.

Wariyayaasha Soomaaliyeedna waxay xaq u yeelan doonaan inay diidaan wixii aan u cuntamin ama ay isugu yimaadaan shirweyne kale oo ay uga tashanayaan aayahooda, iyagoona isugu imaanaya meeshii aan lagu handadeyn ama awood ciidan loogu sheeganeyn, iyaddoo magac dowladeed la sheeganayo.

Si aysan taasi u dhicin, waxaa habboon inay guddiga u dhega-nuglaadaan xaqiiqada jirta iyo talada dadka wax ku leh aayaha NUSOJ. Waana inaysan sawiran wax aysan la qabin wariyayaasha Soomaaliyeed.

Waxaa warbixintan u qoray waa walaac weyn oo aan ka qabo sida wax loo wado, waxaana xog badan ka hayaa wariyayaasha jooga gobollada qaar oo aanba lagu wargelin inuu shirweyne wax lagu dooranayo loo qabanayo NUSOJ, iskaba daa in la casumee?, hadhaw sidee wariyayaasha gobolladaasi jooga looga dhaadhicin doonaa NUSOJ ayaa idin matesha?.

Ma ihi mucaaradka guddiga oo horey ayaan u sheegay , oo waliba ula soo shaqeeyey, waxaanse xaq u leeyahay in aan ka hadlo wixii jira oo aan talo ku leeyahay. Haddii ay taladaasi qaadanayaan iyo haddii ay diidayaana waa mid ka falanta guddiga iyo wariyayaasha aan guddiga ku jirin ee u dheg-taagayey sida wax u socdaan.

Hadalkeyga waxaan ku soo xirayaa dadaalkii socday yuusan noqon mid salkiisu yahay:
Luminta madaxbanaanidii NUSOJ iyo sii fogeynta hoggaan la'aanta heysata”.

Waxaa qoray : Abdiweli Ibrahim Garyare
Email: garyare139@yahoo.com
Muqdisho, Somalia


Tuesday 15 March 2016

WAA TIMID ALLEYLEHE TAMAAN NASTEEX DAHIR FAARAX

WAA TIMID ALLEYLEHE: Tamaan waa gabadh uu dhalay allaha u naxariistee wariye Nasteex Dahir Faarax, oo u shaqeyn jiray BBCSOMALI, waxaana aabbaheed ay Al-Shabaab dileen iyaddoo uurka hooyadeed ku jirta. Ifka ay timaadana waxaa uga dhinnaa xilligaasi saddex bilood. Markii ay Tamaan jirtay laba bil iyo bar, ayaa haddana hooyadeed Idil Fareey Golcase waxaa ay usoo baxday safar Yurub ah, iyaddoo xilligaasi qorshaheedu ahaa, sidii ay ugu sahmin laheyd "Dalkii ay ku korsan laheyd labada caruur ee uu uga geeriyooday allaha u naxariisto Nasteex Dahir Faarax".

Hayaan kaasi waxaa uu qaatay 8 sano, waqtigaasi dheer Tamaan lama kulmin hooyadeed, waxaase ay lahaayeen xiriir telefoon iyo sawiro is weydaarsi. Haddase, waxaa suurta-gashay in Tamaan ay soo gaarto Yurub, oo ay kula midowdo hooyadeed, kadib safar qaatay 48 saac oo ay diyaarad ahaan ugu soo martay Doolow, Muqdisho, Wajeer, Nairobi ilaa ay Yurub kasoo gaartay.
Tamaan Nasteex Dahir, waxaa ay ku dhalatay magaalada Nairobi, waxaase ay markii ugu horeysay Soomaaliya tagtay laba sano ka hor, gaar ahaan degmada Baled-Xaawo, ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay la soo joogeen iyada iyo walaalkeed ka weyn Saadaq Nasteex Dahir, ayeeydeed dhashay Nasteex Dahir Faarax, oo lagu magacaabo hooyo Asiili Nuur.
Arrinta ugu xiisaha badan ee dhexmartay Tamaan iyo Hooyadeed ayaa aheyd markii ay la yaabtay isbadelka gobolka ay ka timid ee Gedo iyo Yurub. Waxaana ay si garasho ku jirto u tiri :
"Alle awoodiisu badanaa, bal qabowga meeshan aad i keenteen iyo kawaran kuleylkii darnaa ee ka jiray Baled-Xaawo". Intaasi kuma aysan xirin warkii, oo waxay mar kale la fajacday kala duwanaanshaha muuqaal ee dadka ku kala nool Soomaaliya iyo Yurub:.
"Halkii laga iga keenay dad madow badanaa, oo meeshan aan imid kuwa oogadu cadahay badanaa, sow abuuris alle ma ahan". Masha'allaah, waa garasho alle siiyey oo ay ka hiddo-raaceyso aabbaheed Nasteex Dahir.
Tamaan, haddii aan si kale idiin baro, waxaa ay hooyo wadaag yihiin saddexda caruur ee aan dhalay, kuwaasi oo kala ah Riyaan, Ibrahim iyo Aden, oo laftooda magac ahaan inay u maqlaan mooyee aan dhaayo ka qaadin walaashood ka weyn. Waxaase ay maanta u tahay nasiib ay ku weheshadaan, oo ay farxad kula wadaagaan. Mar kale, waxay u noqon doontaa tusaale ay hiigsadaan iyo walaal ay wadiiqadeeda qaadaan. Haddii alle idmo.
Ugu danbeyntii, waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo gacan iyo talo ka geysatay dib u midowga Tamaan iyo hooyadeed, maxaa yeelay ilmaha waa u muhiim la noolaanshaha hooyadood, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa waalidka iyo walaalaha kala ah : Hooyo Faadumo Bulxan, Hooyo Asiili Nuur, aabbe Abdi Ahmed, walaal Abwaan Abdullahi Ali Madoobe (Dalmar Abdulle ), Awoowe Ximbil Xir Jimcaale.
XASUUSIN: Tamaan iyo Saadaq, waxaa alle siiyey laba ayeeyo oo indhahooda ka jecel, oo dunida ka weheshada. Waana hooyo Asiili iyo hooyo Faadumo. Runtiina ma aqaan wax aan ku qiyaaso jaceylka ay ilmahaasi u qabaan, sidoo kale kaalimo muhiim ah ayey ka qaateen korinta ilmahaasi. Waana hooyooyinka kala dhalay Nasteex Dahir Faarax iyo Idil Fareey Golcase.

Qore: Abdiweli Ibrahim Garyare
Hilversum, Netherlands
Email: garyare@radiovos.so
Website: www.radiovos.so

Wednesday 24 February 2016

IS-BADDEL BADANAA?



Cali Cilmi Afyare iyo Abdi-iidaan ayaa beri waxay talo wadaag ka noqdeen mucaaradnimada kacaanka, waliba si adeg ayey meel uga istaagi jireen marka la isku soo hadal qaado kacaanka. Waxa ay sidaasi ahaadaan ayaa maalin danbe waxaa ka dhex curtay wax aysan isku ogeyn. 

Waa Abdi-iidaan oo sheeko qurux badan dad u haya, wax kale kama hadlayee waaba kacaan ammaan iyo in kacaanku yahay dowladii "Horumarka". Hadde waa dowladii uu mucaaradka ku ahaa, ee uu la xaman jiray Cali Cilmi Afyare!!. Goobtii waxaa si kedis ah daf ku soo yiri Cali Cilmi Afyare, waxaana dhagihiisa kusoo dhacay (Kacaan ammaan iyo Abdi-Iidaan!), markaasi ayuu is yiri "Malaha waa dhagahaagee si fiican u dhugo qofkaasi !", mise waa saaxiibkiisii kacaan-diidka lahaa. Yaab ayaa ilaaheey u keenay. Markii ayuu erayo meel fog taabad leh hal-abuuray. Waxaana ka mid ahaa :

Allow yaa ku dooxoo
Haddana aan ku dilinoo
Waxa damacsantoo qura
Dibada ula soo baxa
Kor ka muuminbaa tahay
Hoos ka daalinbaa tahay
Carab dalab-leh baa tahay
Debne kacaana baa tahay
Dalbo juuqanahaaguna
Wax la daddo(la qariyo) ka xeeldheer
Isha bidixna kuu daban

Waxaan uga socdaa oo murtidaasi isoo xasuusiyey qaar meelaha ka lahaa "DAAMUJADIID WAA DIB U SOCOD" oo waxaan arkay caawa farriimo ammaan daamujadiid ah diraya, waliba iyaga oo aad moodid inaysan waligood fikir kasoo horjeeda kooxdaasi laga maqal. Wallee Istanbul rag ayey baddeshay,laakiin ma isbadel hadba qoladii lala joogo in la ammaano ahbaa mise waa ka duwan kan murtida ay ka hadleyso? BAL ADBA!!


Qore: Abdiweli Ibrahim Garyare
Milkiilaha ahna agaasimaha Radio VOS
Email: garyare@radiovos.so
Website: www.radiovos.so