Qore: Abdiweli Ibrahim Garyare
Waxaa
muddo socday dadaalo iyo isku-day lagu doonayo in dib loogu saxo
turaan-turooyinkii ku yimid ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
NUSOJ. Si taasi looga gudbana waxaa la aqbalay wax badan oo aan
munaasib u aheyn dariiqa loo maray, iyaddoo la eegayo xalka iyo isku
tanaasulka.
Waxaa
la magacaabay guddi loo yeelay laba magac: Guddiga dhexdhexaadinta
NUSOJ ama guddiga badbaadinta NUSOJ. Hadba midkii uu afkaaga soo
qabto ayaa loogu yeeraa guddigaasi, waxaase la isku raacsan yahay
shaqada looga fadhiyey oo ah : inay keenaan nidaam lagu soo afjari
karo khilaafkii iyo kala fogaanshihii ururka wariyayaasha
Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Annaga
oo aan ku jirin dadka laga talogeliyey dhismaha guddigaasi iyo waxa
uu qabanayo ayaa haddana waxaan bilownay sidii wariyayaasha
Soomaaliyeed fursad u siin lahaayeen tallaabadda uu guddigaasi
qaadayo iyo sida ugu habboon ee looga caawin karo shaqadaasi.
Sida
ay marqaati inooga yihiin xubno ka tirsan guddiga, waxaan si dhaw
ugala shaqeynay in garabkasta oo waxtabanayey uu ku qanco howsha
guddiga, islamarkaana uu wax ka haggaajiyo madasha ugu danbeysa ee
lagu soo ibo-xirayo hoggaan la'aanta NUSOJ.
Si
arrintaasi loo gaaro, waxaan shir u qabanay wariyayaasha Soomaaliyeed
ee qaarkood ku nool Yurub, maadaama aysan u dhaweyn xarunta howsha
NUSOJ ka socoto ee Muqdisho. Shirkaasi oo ka dhacay London, waxaana
kasoo baxay qoddobo waxtar u lahaa geeddi-socodka iyo jiheynta
dhismaha NUSOJ-ta cusub.
Waxkasta
oo la dhisayo waa inay cad yihiin qaabka loo dhisayo iyo xubnaha wax
ka dhisaya. Waa in dariiq cadaaladeed la mariyaa, waana in laga
dheereeyaa waxkasta oo mugdi-gelin kara. Sidoo kalana waa in dhismaha
NUSOJ laga dhowraa gacmo siyaasadeed, maxaa yeelay waa urur
madaxbanaan, sida ku cad dastuurka u deggsan.
Guddiga
waxaa uu warkiisii ugu danbeeyey ku sheegay in shirweynaha uu furmayo
20-04-2016 oo maanta ah. Mana dhicin inuu furmo. Waxaa maxkamadda
amarkeeda ku cad, 28-04-2016 in doorashada dhacdo, iyaddana
saansaanteeda ma muuqato.
Maxaa
haddaba hortaagan?
Waxa
hortaagan shaqsi ahaan ma aqaan, waxaase laga rabaa inay guddiga u
caddeeyaan wariyayaasha Soomaaliyeed waxa dib u dhaca keenaya ama
keeni kara maalmaha soo socda.
Doorasho
cadaalad ah inay dhacdo, maxaa sal u ah ?
- Waxaa la iska rabaa in la caddeeyo tirada wariyayaasha ee ka qeybgalaya shirweynaha NUSOJ.
- Wariyayaashaasi, ma NUSOJ ayey xubin ka yihiin mise ururkaba kuma jiraan ?
- Guddiga wariyaha ay casumayaan, ma waxay ku tixgelinayaan inuu idaacad kaliya ka shaqeeyo mise waxay u eegayaan inuu laammaha kala duwan ee warbaahinta u shaqeeyo?, Haddii jawaabta danbe ay guddiga qabaan, waxaa la iska rabaa,
A: Imisa ayaa idaacad ah?
B: Imisa ayaa TV ah
C: Imisa ayaa wargeys ka socota
D: Imisa ayaase website ka socota? - Nusoj horey laammo ayey ugu laheyd gobollada dalka oo lagu saleyn jirey xubnaha shirka doorashada kasoo qeybgalaya, ma dariiqaasi ayaa la maray mise dariiq aan dastuurka NUSOJ shaqo ku laheyn?
- Shirkaasi ma doorasho oo qura ayuu ku saabsan yahay mise sharciga NUSOJ in dib loo saxo ka hor doorashada ayaa qorshuhu yahay ?, maxaa yeelay sixitaan la'aanta sharcigaasi, waxba kama baddeleyso shaqsiyaad la doortay.
Waxaasi
oo dhami haddii aysan inoo caddeyn, miyaa geli karnaa doorasho?,
waxay ila tahay (MAYA).
Maxaa
dhacaya haddii doorashada dhacdo, iyaddoo waxaasi loo eegin?
Waxaan
qabaa inay dariiqa u fureyso dhismaha dhowr NUSOJ, oo ka xal
durugsanaan doona kuwii hadda la lahaa waa la xallinayaa. Waxaana
imaan doonta in wixii halkaasi kasoo baxa ay noqdaan “Hal bacaad
lagu lisay”.
Wariyayaasha
Soomaaliyeedna waxay xaq u yeelan doonaan inay diidaan wixii aan u
cuntamin ama ay isugu yimaadaan shirweyne kale oo ay uga tashanayaan
aayahooda, iyagoona isugu imaanaya meeshii aan lagu handadeyn ama
awood ciidan loogu sheeganeyn, iyaddoo magac dowladeed la sheeganayo.
Si
aysan taasi u dhicin, waxaa habboon inay guddiga u dhega-nuglaadaan
xaqiiqada jirta iyo talada dadka wax ku leh aayaha NUSOJ. Waana
inaysan sawiran wax aysan la qabin wariyayaasha Soomaaliyeed.
Waxaa
warbixintan u qoray waa walaac weyn oo aan ka qabo sida wax loo wado,
waxaana xog badan ka hayaa wariyayaasha jooga gobollada qaar oo aanba
lagu wargelin inuu shirweyne wax lagu dooranayo loo qabanayo NUSOJ,
iskaba daa in la casumee?, hadhaw sidee wariyayaasha gobolladaasi
jooga looga dhaadhicin doonaa NUSOJ ayaa idin matesha?.
Ma
ihi mucaaradka guddiga oo horey ayaan u sheegay , oo waliba ula soo
shaqeeyey, waxaanse xaq u leeyahay in aan ka hadlo wixii jira oo aan
talo ku leeyahay. Haddii ay taladaasi qaadanayaan iyo haddii ay
diidayaana waa mid ka falanta guddiga iyo wariyayaasha aan guddiga ku
jirin ee u dheg-taagayey sida wax u socdaan.
Hadalkeyga
waxaan ku soo xirayaa dadaalkii socday yuusan noqon mid salkiisu
yahay:
“Luminta
madaxbanaanidii NUSOJ iyo sii fogeynta hoggaan la'aanta heysata”.
Waxaa
qoray : Abdiweli Ibrahim Garyare
Email: garyare139@yahoo.com
Muqdisho, Somalia
Email: garyare139@yahoo.com
Muqdisho, Somalia